Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo Askar ka tirsanaa DFS ku soo bandhigay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa maanta qeybo ka mid gobolka Shabeelaha Hoose ku soo bandhigay Askar ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Askartani oo gaarayay illaa 2 ayaa waxaa ay Al Shabaab sheegeen in ay isku soo dhibeen, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka..

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Askartani ay ka hawl gali jireen aagga Marko iyo Shalaambood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen Dagaalyahannada Al Shabaaab in Askartaasi ay la soo baxsadeen hubkii ay ku shaqeynayeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan Askartaasi.

Mana’ahan markii ugu horreysay oo ay Al Shabaab  Askar ka tirsanaa DFS ay ku soo bandhigaan deegaanada ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Al Shabaab Oo Askar ka tirsanaa DFS ku soo bandhigay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this