Deeq A. Posted December 2, 2018 Garoonka Bole international Airport ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa haatan ka soo duulay madaxda ugu sarraysa Jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeniya (ONLF) iyagoo ku wajahan magaalada JigJiga ee Xarunta dowlad Degaanka Soomaalida. Hoggaanka Jabhada ONLF ayaa waxaa safarka ku weheliya madaxda ugu saraysa ee dowlad degaanka Soomaalida, iyo marti xildhibaano ah oo ka socda dalka Kenya waxaana wadooyinka garoonka iyo waliba garoonka kubada cagta ee magaalada Jig jiga kusii sugaaya shacabka aad u badan oo u diyaarsan soo dhowaynta madaxda ONLF. Magaalada jig jiga ayaa waxaa si wayn looga dareemayaa imaatinka madaxda JWXO waxaana meel walba oo magaalada kamid ah lagu xardhay Astaamaha ururka iyo sawirrada madaxdiisa. PUNTLAND POST The post Madaxda sare ee ONLF oo Jigjiga ku wajahan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites