Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay aheyd khudbadii uu jeediyay Cali Wajiis ee ka careysiisay mucaaradka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay Sheikh Cali Wajiis oo kamid ah culumadda Soomaaliyeed, kadib khudbad uu jimcihii ka aqriyay masjid ku dhex yaala madaxtooyada.

Sheikh Cali Wajiis, ayaa khudbadiisa kaga hadlay isbadalka geeska Africa oo dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay, isaga oo tusaalooyin usoo qaatay isbadalo badan oo horey u dhacay kuwaasi oo aan suuragalin.

Mucaaradka ayaa si weyn kaga hadlay qeyb ku aadaneyd in mucaaradka awood loo adeegsado oo khudbadiisa kamid aheyd, waxaana uu markii ugu horeysay Sheikh Cali Wajiis uu ka jawaabay sida loo fasirtay hadalkiisa.

Isaga oo saxaafadda la hadlay ayuu sheegay in hadalkiisa si qaldan loo fasiray, waxaana uu labo u kala qaaday mucaaradka uu ka hadlayay ineysan aheyn xildhibaanada iyo siyaasiyiinta dhaliilsan hanaanka dowladda.

“Horta Mucaaradka waa labo mid waa midka dhibaato ku ah amaanka guud ahaan ee dalka, kuwana waa kuwo dhaliila dowladda iyo hanaanka ay wax u socdaan, kana mid ah dowladda, aniga waxaan ula jeeday mucaaradka ciidanka loo adeegsanayo sida kuwa Al Shabaab ah”ayuu yiri.

Mar uu ka hadlayay inay ku milmeen siyaasadda iyo dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay taasi been tahay, laakiin ay u hogaansamayaan adeecidda madaxda talada haya, taasina ay diinta fareyso.

Wuxuu sheegay ineysan aqbaleyn mucaaradnimo dumineysa dalka oo mooshin iyo waxyaabo lamid ah keenaya, taasina aysan suuragal aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this