Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaatinka kooxda Melbourne Labadii sano Ee Lasoo Dhaafay Waxa ay go’gol Xaar U Noqotay Goolkii uu Laaciib Feysal Xasan Axmed Ka dhaliyay Xulka Ethiopia”

Recommended Posts

Deeq A.   

La taliyahay arimaha isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo marti ku ahaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV ayaa sheegay qurbajoogta dalka u imaanaysa ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is dhaxgalka bulshada laga faa’idayo waxyaalo badan oo dalka u ah wanaag iyo horomar

23737712_1968263910097014_16681051283995

“Kooxda jaaliyada Australia waxa ay albaabada u furtay bahda ciyaaraha ee ku nool dalka dibadiisa imaatinkooda wadanka ladii sano ee laga soo gudbay ayaa keentay in Mqudisho iyo caasimadaha kale ay kusoo dhiiradaan qurbajoog badan waxaana arintaas ka dhalatay in Xiriirka kubbadda cagta ay dalbadaan xirfadlayaasha ku barbaaray qurbaha si ay u difaacan calanka iyo magaca dalkooda hooyo ee Soomaaliya”waxaa sidaas Xeyndaabka isboortiga Goobooj TV u sheegay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo La taliyahay arimaha isboortiga Gobolka Banaadir

vMix-Capture-29-November-2018-19-33-52-3

17-30-October 2018 waxaa caasimada Muqdisho ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u imaaday macalimiin iyo ciyaartooy Soomaaliyeed oo ku nool qurbaha,iyagoo aan waligooda arkin dalka ay iyaga lee yihiin waxayna ka kala yimaadeyn wadamada Egland,Sweden,Norway,America iyo Kenya

0T8A7381-1-300x200.jpg

“Bishii Lasoo dhaafay laacib Feysal Xasan Axmed ayaa markii ugu horeesay u saftay xulka qaranka dalka,isagoo gool cajiib ah ka dhaliyay Ethiopia ciyaaraha is reeb reebka olimikada aduunka,Feysal iminka waxa uu tusaale u yahay xirfadyahano badan oo ku haminaya in ay xertaan maaliyada dalkooda hadii aanu nahay bahda isboortiga gudaha iyo qurbajoogta waxaana xoojiaynaa horomarinta ciyaaraha gudaha”

46468556_1984052618380887_41524199771456

Si kastaba Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada daa’daalo ku aadan in caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka sanadaha soo aadan lagu qabto ciyaaraha Somali Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta hadii arinta hergashan dad badan ayaa aaminsan in laga faa’ididoono wax badan oo horomar u ah kobaca ciyaaraha gudaha

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Imaatinka Kooxaha Qurbajoogta Ee Soomaaliya

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this