Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaga adayga xukuumada .. hal adayga xisbiga wadani iyo indha adayga komoshinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhaga adayga xukuumada ,, Hal adayga xisbiga wadani iyo indha adayga komoshinka doorashooyinka ,….

Doorashadii madaxtooyada ee dalka kadhacday bishii november 2017 kii waxa ka muuqday madmadow kadib markii suuqa laga helay buugii oroginal ka ahaaa ee kaadhadhka lagu codaynayay , iyo waliba inay codeeyeen dad da,doodu kayartahay qaangaadh ,.
isla markaana aanay gudida doorashooyinka qaranku si cadaaliya ugu garsoorin sadexdii xisbi ee kutartamayay doorashada madaxwaynaha ,,,,

Hadaba xisbiga wadani inkaste oo ay ogolaadeen natiijadii ay soosaareen komoshinku ee madaxwaynaha loogu cumaamaday muuse biixi cabdi ,,, hadana
bishii march 2018 waxay soosaareen war bixin ka koobnayd 14 bog ,, oo ay u gudbiyeen madaxwaynaha qaranka muuse biixi kuna sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen gudida doorashoyinka ,, kana dalbadeen inuu madaxwaynuhu kala diro xubnaha komoshinka lanasoo magacaabo xubno cusub oolaga sooxulo sadexda xisbi ,,,

Taasna uu madaxwaynuhu aanu dheg jalaq usiiin halkii laga filayay inuu kasoo jawaabo waliba ficil kaga jawaabana uu isla soo taagay madaxwaynuhu inuu yidhaahdo gudida komoshinku waxay qabteen doorasho xor iyo xalaala waxaanay mudan yihiiin bilad sharaf….

Hadaba madaxwaynuhu si kaste hakusoo baxo oo komoshinkani ugu xalaaleeyay inuu noqodo madaxwaynaha qaranka somaliland shanta snaadood ee soosocda
laakiiin waxa u eekayd isagoo ixtiraamaya xisbiyada qaranka maadaamo oo ay yidhaahdedeen xeerbeegtidan ama garsoorayaashan kuma qanacsanin inay mardanbe inoo garsooraane aynu keeno xubno cusub oo kaakooban sadexda xisbi oolagu wada qanacsanyahay …

Waxaanay taasi keentay in xitaaa shirkii sadexda xisbi qaran ee dhacay dabayaaqadii bishii sagaalaad ee xalinta khilaafkan lagu kala kaco xukuumaduna ku adkaysato inaanay bedelayn komoshinkan ,,,,

Hadaba hal adayga xisbiga wadani in labedelo gudida komoshinka iyo dhaga adayga madaxwaynaha inaanu diyaar u ahayn in uubedelo komoshinka iyo indha adayga gudida komoshinku , waxay dhaxalsiisay in waqtigii loogu tala galay inay ku qabsoonto doorashooyinka is barkan ee baarlamaanka iyo Golaha Deegaanku aaany ku qabsoomayn waqtigii loogu tala galay oo ahaa march 2019.

Tani waxay keeni doontaa go.doon ama handaraab kale oo dowladaha beesha caalamka ka caawiya doorashoyinka somaliland ay kusoo rogaaan ,,,,,

Waxaanaynu eegi doonaa maalmaha soosocda in golaha gurtida miiska ay u sarantahay sidii caadada u ahayd inay shaanbada ugu dhuftaan mudo kordhin loo sameeyo sadexda gole ee baarlamaanka deegaanka iyo gurtida

Waxa kale oo aynu eegi doonaa labada xisbi mucaarad maxay yeeli doonaaan hadii ay dhacdo in doorashadu kudhacdo mudadii loogu tala galay ,,,

Qalinkii .. Qoraa Ahmed Lababaale

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this