Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdoğan Oo Sacuudiga Ka Dalbaday Iney Soo Dhiibaan Kuwii Dilay Jamaal Khashoggi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa Sacuudiga ka dalbaday iney soo dhibaan kooxdii dishay qoraaga Jamaal Khashoggi.

Erdoğan oo hadlayey kadib shirka G20 ayaa sheegay in shirka aan arrimahaas looga hadlin balse uu si gooni ah uga hadlay ra’isul wasaaraha Canada.

Sacuudiga ayaa arrinta dilka u xirtay 11 qof, laakin ma jirto wax muujinaya inay u dhiibi-doonaan dalka Turkiga.

Dhinaca kale, dalka Sacuudiga waxaa ay beeniyeen inuu dilka ku lug lahaa dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan, waxaana sidaasi qaba madaxweynaha Mareykanka Trump.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this