Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda DFS Oo kulan ku yeeshay xarunta Madatooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee M/Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu u dhexeeyay Madaxweynaha, R/wasaaraha, guddoomniyaha Aqalka Sare , guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankan uu isugu xubnahani Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sheegay in diirada lagu saaray khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo arrimaha doorashada K/ Galbeed.

Tan iyo markii la kala diray guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka waxaa jiray khilaaf iyo dood adag oo u dhexeysa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

The post Madaxda DFS Oo kulan ku yeeshay xarunta Madatooyada appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this