Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/ Banaadir Oo dhagxaan ku jaray Zoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay Dhagxaan waa weyn ku jaray qeyb ka mid ah Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dhagxaantan ayaa la sheegay in la dhigay bartamaha Isgoyska, gaar ahaan halkii dhawaan laga dhalisay Taalada 14-ka Ocotber.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelaneysa Wadayaasha Gaadiidka, maadaama aysan Waddadaasi u goyn karin dhinaca Buulo-Xuubey.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid lagu yareynayo ciriirigii xooganaa ee ka jiray Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysaneysa mashquulka iyo dhibaatada kale ee shacabka ku qabaan Isgoyskaasi.

The post Maamulka G/ Banaadir Oo dhagxaan ku jaray Zoobe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this