Deeq A. Posted December 2, 2018 Jigjiga ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Dalka Ethiopia. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Calanka Ururka ONLF ayaa saaka ka babanaya waddooyinka waa weyn ee Jigjiga, si loogu soo dhaaweyo xubnaha ka socda Ururkaasi. Xubnahani oo tiradoodu ay gaareyso 20 ayaa shalay si maamuus leh loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ba ee caasimadda dalka Ethiopia. Jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa bishii la soo dhaafay Asmara ku saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac. Heshiiskaasi ayaa ONLF u ogolaanaya in ay si nabad ah ku raadsato hankeeda siyaasadeed ee Ethiopia, iyadoona Ciidankeeda lagu biirinayo kuwa dalkaasi. The post Wafdi ka socda ONLF Oo ku wajahan magaalada Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites