Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Midowga Afrika Oo Ka Digay Xiisad Ka Soo Cusboonaata Dalka Burundi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burundi)-Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin hormar la’aanta wadahadalada nabadda ee dalka Burundi.

shi.jpg

Saraakiisha Midowga Afrika ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya dalkaasi Burundi in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sababai karta in xurguftu ay sii dheeraato.

Digniinta ayaa soo baxday ak dib markii dowladda Burunta ay soo saartay warqad caalami ah oo lagu soo xirayo madaxwaynihii hore ee dalkaasi Pierre Buyoya.

Waxaa sidoo kale dowladda Burundi ay amartay in la soo xiro 16 saraakaal oo sarsare.

Xukuumadda Burundi ayaa madaxwaynihii hore ee dalkaasi Pierre Buyoya iyo saraakiisha kale ku eedeeysay in ay ka masuul ahaayeen dilkii madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalkaasi si dimuqraadiyad ah loo soo doortay

Digniinta Midowga Afrika ayaa u muuqata mid loola jeedo dowladda Burundi.

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka ayaa la isku mari waayay.

Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in dowladda ay dib u soo kicinayso boogihii hore eek u salaysnaa qoomiyadaha ka dib markii ay soo asartay warqada lagu soo xirayo madaxwaynihii hore Pierre Buyoya.

Tallaabadani ayaa waji gabax ku ah Midowga Afrika sababtoo ah Mr Buyoya ayaa imika ah wakiilka gaarka ah ee AU ee dalka Mali.

Dilkii sanaddii 1993 lagu khaarijiyay madaxwayne Melchior Ndadaye oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyaay ee qoomiyada Hutu ayaa dalkaasi ka dhaliyay dagaal sokeeyay oo ay ku dhinteen dad gaarayay 300’000 oo qof sanadii.

Mr Buyoya oo laba jeer ooh ore afgembi dalkaasi kula wareegay ayaa si carol eh uga jawaabay eedeeynta ah in uu isaga ka dambeeyay dilka madaxwaynihii hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this