valerie Posted May 7, 2006 Waxaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee caddaalada jecel necebna quudhsiga iyo takoorka la ogeysiinayaa in uu dhici doono banaanbax weyn oo lagaga soo horjeedo xukunkii ay Maxkamada Somaliland ku xukuntay gacan ku dhiiglihii sida badheedhka ah u dilay Allaha u naxariistee Khadar Cismaan Dhabar. Banaanbaxan waxa uu dhacayaa Bishan May 13-keeda 3:00 pm taasoo ah Sanad Guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay markii Marxuumka lagu dilay Magaalada Hargeysa. Waxaa banaanbaxan ka soo qeybgeli doona Idaacado, telefishano iyo Jaraaid fara badan. Wuxuu ka dhacayaa banaanbaxani Wadada Dawning Street iyo Westminister hortooda. Fadlan ka soo qayb gal oo taageer Khadar iyo inta kale ee dhiban si ay dalkoodii hooyo ee ay u dhasheen ay ugu helaan cadaalad iyo sinaan. Waxaa soo qaban qaabiyey………………………………. Gabooye Minority Organisation Gabooye.org99@hotmail.co.uk Quote Share this post Link to post Share on other sites