Deeq A. Posted December 1, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Waxgrad Soomaaliyeed oo kasoo jeeda dhulka Soomaalidu degto ee dalka Itoobiya ayaa baaq nabadeed waxay kasoo saareen colaada udhaxaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Caaqil Maxamed Cali Cumar, oo ah caaqilka guud ee beesha Bari oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn degaanada lagu dirirayo oo ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay sida uu dagaalku ku bilowday ayaa tilmaamay inuu salka ku hayo is-qabqabsi dhuleed. Cumar ayaa ugu baaqay hogaanka dowlad degaanka inay ku baxaan colaada, islamarkaana ay qaboojiyaan dagaaladda, kusoo noqnoqday halkaasi, loona gurmado dadka guryahooda colaadu ka barakicisay. Beesha caalamka ayuu si lamid ah ku tartarsiiyay inay soo farageliyaan xiisadda oo baryihii dambe kasoo cusboonaatay, taasi oo galaafatay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed iyo Oromadda dhinacooda. Sikastaba ha ahaatee, colaada Soomaalida iyo Oromadda oo khasaaro kala duwan geysatay ayaa la xiriirta dhulka ay wada degan yihiin labadaan qowmiyadood, kaasi oo uu mid kasta sheeganayo lahaanshiyahiisa. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Caaqil.mp3 The post Waxgarad baaq kasoo saarey colaada Oromada iyo Soomaalida appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites