Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgarad baaq kasoo saarey colaada Oromada iyo Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Waxgrad Soomaaliyeed oo kasoo jeeda dhulka Soomaalidu degto ee dalka Itoobiya ayaa baaq nabadeed waxay kasoo saareen colaada udhaxaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Caaqil Maxamed Cali Cumar, oo ah caaqilka guud ee beesha Bari oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn degaanada lagu dirirayo oo ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay sida uu dagaalku ku bilowday ayaa tilmaamay inuu salka ku hayo is-qabqabsi dhuleed.

Cumar ayaa ugu baaqay hogaanka dowlad degaanka inay ku baxaan colaada, islamarkaana ay qaboojiyaan dagaaladda, kusoo noqnoqday halkaasi, loona gurmado dadka guryahooda colaadu ka barakicisay.

Beesha caalamka ayuu si lamid ah ku tartarsiiyay inay soo farageliyaan xiisadda oo baryihii dambe kasoo cusboonaatay, taasi oo galaafatay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed iyo Oromadda dhinacooda.

Sikastaba ha ahaatee, colaada Soomaalida iyo Oromadda oo khasaaro kala duwan geysatay ayaa la xiriirta dhulka ay wada degan yihiin labadaan qowmiyadood, kaasi oo uu mid kasta sheeganayo lahaanshiyahiisa.

Hoos ka dhageyso codka

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Caaqil.mp3

The post Waxgarad baaq kasoo saarey colaada Oromada iyo Soomaalida appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this