Deeq A. Posted December 1, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyay gobolka Bay uu ku dilay Sagaal [9] kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga Soomaaliyeed oo dhankooda ka ka hadlay weerarkaan dhinaca cirka ah oo ka dhacay Jimcadii tuulada buuraleyda ah ee Geelway, ayaa sheegtay in xubnaha lagu dilay ay ku jiraan taliyaal iyo saraakiil tababar. Waa duqayntii 37aad oo uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya kaliya sanadkaan 2018, kaasi oo ay kaliya bishaan naag xigto inuu dhamaado. Diyaaradaha dagaalka ee wadanka Mareykanka oo weeraro dhinaca cirka ah ka fuliya Koonfurta iyo Bartamaha dalka ayaa inta badan beegsada Saldhigyada iyo xubnaha sarre ee xoogaga Al-Shabaab. The post Mareykanka oo ka warbixiyay duqayn uu ka fuliyay G/Bay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites