Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan baarlamaanka hortiisa ka sheegay inuu qabo cudurka HIV/AIDS

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimadda Online) – Waxaa hadal naxdin leh ka hor sheegay Baarlamaanka dalka Ingiriiska xildhibaan ka tirsan xilli ay socotay dood ku saabsan Caafimaadka.

Xildhibaankaan oo lagu magacaabo Lloyd Russell-Moyle oo ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu qabo cudurka HIV AID.

Xildhibaankaan oo khudbad ka jeedinayey kulankii ay xubnaha aqalka Sare kaga doodayeen Caafimaadka dadweynaha ayaa si toos ah u qiray inuu la nool yahay cudurkaas.

Lloyd Russell-Moyle, oo ah xildhibaanka xisbiga shaqaalaha ee laga soo doortay degmada Brighton Kemptown, ayaa noqday mudanihii ugu horreeyay ee xaaladdiisa ku saabsan cudurka HIV-ga uga dhawaaqa gudaha baarlamaanka hoose, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee sheega inuu la nool yahay xanuunkaas.

Xildhibaanka.jpg

Wuxuu sheegay inuu dareemay sidii inuu ku khasbanaa ka hadalka arrin isaga shakhsi ahaan u saameysay.

Mr Russell-Moyle ayaa ku boorriyay wasiirrada iney dib u eegis ku sameeyaan go’aanka wax looga dhimayo miisaaniyadda loogu tala galay caafimaadka dhinaca galmada.

Wuxuu xildhibaannada aqalka hoose u sheegay in sannadka soo socda uu u noqon doono sannadkiisii 10-aad ee uu la noolyahay cudurka HIV-ga.

Sannadkii 2005-tii ayuu xildhibaan ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Chris Smith ku shaaciyay wargeys inuu muddo 17 sano ah qabay cudurka HIV-Adids-ka.

Caasimada Online
Xafiiska-London
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this