Sign in to follow this  
Abtigiis

Dagaal dhinaca guurka ah oo ka dhax bilawday Dhalinyarada bagamuudada ah iyo odayaash

Recommended Posts

Abtigiis   

Dagaal dhinaca guurka ah oo ka dhax bilawday Dhalinyarada bagamuudada ah iyo odayaasha dibada ka yimid ee heesto baasaboorada ajaanibka ah (Dhacdo la yaab ah Akhri)

 

Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool gudaha wadanka iyo wadamada dariska la ah Soomaaliya ayaa ka cabanayo odayaasha ka soo shaqaystay wadamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ,waxayna cabashadaan salka ku haysaa ayaga oo dhalinyarada laga fara marooqsado had iyo goor Gabdhaha ay wada socdaan kana dhaxeeyo xariirka lamaane marka uu meesha ku soo dhax dhaco oday aan hadleen balse jeebkiisa uu hadlaayo taas oo dhalin yaro badan ku riday niyad xumo.

 

Arintaan ayaa ah arin inta badan ay qarsanayeen dhalinyarada Soomaliyeed balse mudooyinka danbe soo yara iftiintay kadib markii dhalinyaro badan ay wayeen lamaanayaal xariir qota dheer kala dhaxeyay sabab la xariira dhanka dhaqalaha madaama ay dhalinyarada inta badan aysan shaqo hayn wadankiina ay ku badatay baga mudanimada,waxaana inta badan dhalinyaradaan xariirkooda soo afjaro odayaasha heesto lacagaha walan ee soo shaqaysteen.

 

Hooyo iyo Aabe walbo ee Soomaliyeed waxay hada Gabadhooda u radiyaan nin ka imaaday dibada oo kaliyah iyaga oo ku racayo Basboorka iyo dhaqalaha yar ee uu soo shaqaystay balse la fiirinayn dooqa gabdha iyo ninka dabeecadiisa iyo hab dhaqanka diintiisa .

 

Gabdhaha Soomaliyeed ayaa inta badan waxaa lagu cuburiyaa xoriyada guurgeeda iyada oo ay waridka ugu caga jugleyaan haday kaynsato nin cida waxne aan ku soo kordhinayn dhanka dhaqalaha in la dayrinaayo .

 

Arintaas aya qasabtay in gabar walbo oo ka baqayso caga jugleenta waridka ay ka cararto dhalinyarada asageeda ah ee siini kara farxada iyo ciyaarta ay rabto markaas una cararto oday nafteeda aysan ku faraxsaneen balsa ay rabto oo kaliyah heblo waxaa guursaday ama soo doontay nin ka yimid dibada .

 

Dhalinyarada aan ka bixin wadanka ayaa waxaa soo wajahay caqabado xaga nolosha iyo shaqa la'aanta waxaana hada ka sii daray in lagu adkeyay guurka oo aan la rabin xitaa nin soo dhacsanayo nolol maalmeedkiisa oo la rabo bas nin heesto basaboor iyo lacag ka badan nolol maalmeed.

 

Waqtiyadaan danbe waxay bilabeen dhalinyarda in ay ka soo tagaan wadanka ayaga oo dhamantooda wadanka ka soo aday tahriib kuna soo jeeda wadamada yurub si ay u helaan basaboor ayaga oo aminsan in hadii ay helaan basaboor aysan wayneen gabar qurxoon oo jeclaato.

 

Dagaalkaan u dhaxeeyo odayaasha heesto basaboorada ee dhameyay gabdhaha yar yarka ee quroxoon iyo dhalin yarada baga muudada ah ayaa ah mid hada bilawday iyaga oo inta badan dhalinyarada ka niyad jabeen gabdhaha daneeyo lacagaha ee aan aqoonin jaceylka .

 

Hadaba waxaan wada sugeynaa meesha uu dagaalkan cirib dhigto iyada oo lagu balamay ninkii basboor helin in uusan helayn gabar qurxoon oo sharaf iyo isluub leh nin kastane laga rabo basaboor hadii kale uu qadi doona daadka .

 

Raage Cali Dheere

 

raagenews@hotmail.com

 

dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol@your new name, wax xil leh unbaad keentaa kolkii lagu arko, hadana dhayman iyo luul baad u xeydatey.

 

Heedhe anigu doob baan ahay ee maxaad iigu diidi mid xiiranoo dhulkii joogto inaan isku fidiyo oo misga weyn leh dhaxduna magad tahay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Norf

Hey bro

here is the article in a nutshell:

Western Somali Men going to Somalia or Kenya to marry the cream of the crop whilst the local men are left in the cold.

 

I say..good..cos we can go and get those men for ourselves i.e women in the west who say "suuqii waa xumaadey"

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

islii waagan joogi jiray ayaan waxaan maqli jiray ....Hebel heblaayo uu Faleembo dhiiga oga miirtay ..macnaha biilke u la cuna camal

 

 

haiska guur guursadaan markey inta laabtaan aw bidaarka so dhigaan al amal & dahabshil ayaa mid yaroo casarki hurdo kaso kacay Faleembo suranayaa aw bidaarka lagu so dhididay

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Afr0 GirL:

islii waagan joogi jiray ayaan waxaan maqli jiray ....Hebel heblaayo uu Faleembo dhiiga oga miirtay ..macnaha biilke u la cuna camal

ehehehe Afro, walaahi islii waa ila taqaan, it is universal now as Ms DD said, bal adigaba ka sheekee, gabar yaroo isku dhacdey oo koonbo subaga la moodo biilna loo soo diro, iska dhuuqeeso shilimaadkeeda, waan hubaa ayadoon wali rimin oo kii guursadey ka maqanyahay waxyar iney mid kaloo la walaaqdo boorashka keeni, bal u fiirso, waa nicmatul fashuuq meel cidlaa lagu sii daayey oo la yiri dhurwaagu boqnaha ha gooyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

I was told a story that happened in Kilburn..a guy wuu u dacwoodey gebertoo, he brought her here..met her at the airport..saw her pregnant by another and he saw her whisked away by another man (who was the father of her unborn baby's brother).

Naxdin iyo fajac!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

MSS DD Waxaas caadiyoos we're in 21 century ....aniga aduunka sheekadi igu yaabka badneed waxeey aheed Labo wiil oo first cousins ah ayaa mid waxu QABAY "FAX AAN CAADI AHEYN" Xariifka faxda qabay xerta Jilba culusta uu ahaa macnaha Raga TAQSIINTA BUUR LA DHISAAYO CAMAL UTAAGTO ......ninka odayga reerki uu dhaqan waayay gabadhi yareed Fixiso Camal eey u faxday maalinki dambe igaarki yaraa aa intu udul qaadan waayay see fareejooyinka u bixineeso al-shabaab camal isku qarxiyay ...ceebti ka dhacday walaa ogaa ....meel dhaxe marke wax marinaayan aw heelow oo marqaan ah maso galino hee the rest's story

 

Nuune haye abaa xerta casari Kikombay inta kaso labistaan jamka isbaarada dhigan jiray ma aheed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Normally i pride myself in knowing many diff lahjo, but this koobkii ayuu qaatey,..haddaan wax ka famey habayaraatee!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^lool@ Al-shabaab camal isku qarxiyay, caadi matihid walee.

 

 

Hada sheeka Islii taalo is the other way round, waxaa jiro xaawaleey loo bixyay Xusul Baruur oo lacag tii ahayd haysta, wiilasha yar ay kaqaraabtaan.

 

Guri, Gaari iyo Dhaylo aa la iskugu daraa markaas waxaad arkaysaa ninkii xayraanka ahaa oo dhalaalaayo :cool: cajiib sheekhoow !

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

lool MSS DD Afsomaligan ciyaalka xaafada bas aa fahmaan adiga ciyaalka xaafada inaa tahay aanba kuheestay lol...

 

 

Aw-Dhubad eheeh Kuwaas kuwa suuuqa dahablayasha joogo ahaa lol....xertaas sifiican beey wiilasha yar yar ula xadreeyaan lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Afro loool caadi ma tihid runta, faxdaas fareejada aa loo daarey runti.

 

Jaamka waa ka qaraaban jirey, labada Maryan Lodge aa ka dhaxeeyey ani :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this