Sign in to follow this  
Deeq A.

Taxanaha Liber-land:Dhisida dawlad cusub. Dhisida magaalo cusub, Dhisida Dhaqaale Cusub By Amb.Axmed Safiina

Recommended Posts

Deeq A.   

TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 1AAD

IMG-20181107-WA0002-259x300.jpg

1960kii ka hor Wabiga DAANUUB waxa loo aqoonsaday inuu noqdo xuduuda rasmiga ah ee u dhaxaysa CROATIA iyo SERBIA wuxuuna u socon jiray sida maska oo kale.

 

1995 ka hor waxa is badalay dariiquu hore u mari-jiray wuxuuna noqday wabi toos u socda, wuxuuna 8 dhul oo waawayn ka jaray CROATIA dhulka u waynina yahay 65km2 raaciyayna dhulkii SERBIA halka serbiyana uu ka jara afar dhul oo yaryar ka u wayni yahay 7km2 ka u yarina yahay 0.1km2 raaciyayna dhulkii CROATIA

 

Sidaa darteed CROATIA waxay sheeganaysaa xuduuda dariiqii hore ee wabigu marijiray 1960 kii si-aan looga jarin 8 dul ee waawayn halka SERBIA sheeganayso xuduuda cusub ee wabigu sameeyay si ay u hesho dhulkan wayn ee wabigu CROATIA kasoo jaray waxaanay isla galeen maxkamada Dawali ah oo socota 23 sano.

 

Hadaba labada dawaladoo waxay diidan yihiin qaadashada ama sheegashada 4taa dhul ee yar yar iyadoo midwaliba leedahay anuu malihi ee adaa leh, Dawladii qaadata 4taa dhul waxay waayaysaa 8daa dhul ee waawayn, 4taa dhul waxay noqdeen bilaa dal bilaa dawlad waxayna kami noqdeen 7 dhul ee dunida ku yaala eenay cidi lahayn.

 

Halkaa markuu xaalku marayo sanadkii 2015 Mudane Vit Jedlička ayaa dagay Afartii dhul tii u waynayd ee ah 7km2 Dawlad cusubna kaga dhawaaqay una bixiyay magaca LIBERLAND Calanka dawladana ka taagatay madaxwaynena ka noqday.

 

La soco TAXANAHA LIBERLAND. Dhisida dawlad cusub. Dhisida magaalo cusub, Dhisida Dhaqaale Cusub.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this