Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-culus:Wasiir & Xildhibaano Kiiniyaan ah oo ka maquurtay shirkii Somaliland ee Nairobi+Arimo kale oo xasaasiya  

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir & Xildhibaano Kiiniyaan ah oo ka maquurtay shirkii Somaliland ee Nairobi+Arimo kale oo xasaasiya

 morgan.jpg
 morgan.jpg

 Dawladda Somaliland ayaa jimcihii shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabatay shirka maalgashiga Somaliland, waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa. Shirkan waxa soo qaban qaabiyay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya.

Shirkan ayaa waxa ka baaqday xubno ka tirsan dawladda Kenya oo hore Somaliland ay shaacisay inay ka qayb geli doonaan. 

Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo la filayay inay shirka ka qayb galayaan ayaa ka baaqday shirkaas maalgashiga Somaliland.

Si rasmi ah looma sheegin sababta keentay inay Wasiirka Kenya iyo masuuliyiinta kale ka baaqdaan shirkan ama xitaa inay jirto in markii horeba ay ballan-qaadeen imaansho. Waxase shirka ka hadlay guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Kenya James Meru.

Wasiirada ka socday dawladda Somaliland oo kala ahaa Wasiirada arrimaha dibadda Yasiin Faratoon, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad, Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa shirkaas ka jeediyay  khudbado kala duwan oo ay ganacstada Kenya ugu baaqayeen inay maalgashadaan Somaliland.

Guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isna shirka ka qayb galay isagoo ka hadlay doorka ganacsgada Somaliland.

Somaliland ayaa dhowaanahan gudbineysay farriimo ay ku muujineyso inay isu soo dhowaanayaan dowladda Kenya, oo sida dal oo kale oo loola macaamilayo, hase yeeshee shirka Nairobi ayaa muujinaya sida xaaladdi sidaas ahayn.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this