Sign in to follow this  
Deeq A.

Taxanaha Liber-land:M/weyne Muse Bixi waxaa looga fadhiyaa inuu qanciyo 195 Dal oo 7000 luqadood lagaga hadlo

Recommended Posts

Deeq A.   

 TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 2AAD

liberland-1-257x300.jpg

Ma ogtahay in madaxwaynaha LIBERLAND Mr. Vit Jedlička ka saamayn iyo shacbiyad badanyahay sadexdii Murashax iyo sadexdii xisbi qaran ee u tartamay doorashadii ka dhacday SOMALILAND 2017 kii.

liberland-300x133.jpg

Waxa lagu qiyaasaa Muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan gudaha dalka 4.000.000 Afar Malyan, Ha’daanu nahay siyaasiyiintii u olalaynaysay sadexda xisbi qaran oo ay kamid yihii sadexdii murashax kana mid yahay #_Madaxwayne_Muuse_Biixi waxaanu qancinay oo kaliya inay codeeyaan 530,000 qof oo cod bixiye ah waa codkii ansaxaye.

 

Ma ogtahay in Madaxwaynaha LIBERLAND mudo sadex sano ah qanciyay 650,000 oo qof inay u noqdaan muwaadiniinta rasmiga ah ee LIBERLAND, iyagoo ah Quruumo kala diin-ah, Kala luqado-ah,  Kala dhaqan-ah, Kala midab-ah, Kala cirqi iyo ac-raaf ah.

 

Waxay kala hays-taan diinta islaamka, Yahuuda, Kiristanka, iyo in ka badan 12 diimood, waxay ku kala hadlaan in kabadan 30 luqadood,

 

Waxa kamida 15,000 oo muwaadin USA ah waxana kasii mida 4 xildhibaan oo katirsan aqalka sare ee Congress Marykanka.

 

Waxa kamida 10,290 oo ah muwaadin u dhashay UNAITED KINGDOM waxana kamida Mayar kamid Mayarada Britan. Africa, Asia, iyo latin America, iyaga hadalkeedaba daa.

 

Waxa kamida 150,000 oo muwaadin carbeed oo noqonaya qawmiyada u badan ee ku hadasha luqada kaliya. Waxa kamid ah muwaadiin reer Somaliland ah iyo kuwo kale oo Somaliyeed.

 

Dadlkaas oo dhan ayuu soo qanciyay ee aduu maxaad soo qancisay.

 

Hadii ictiraafka SOMALILAND laga shaqaynayo waxa muhiim ah inuu  #_Madaxwayne_Muuse_Biixi_Cabdi qanciyo 195 dawladoo oo lagaga hadlo 7000 oo luqadood,  

 

Intaa waxa ka horeeyasa inuu qanciyo afarta daamood ee hargaysa,  Inuu qanciyo Gobalada Somaliland bari ilaa galbeed, Inuu qanciyo jaaliyada dibada oo saamayn wayn ku leh gudaha dalka iyo hurinta qabyaalada qaawan una baahan jihayn wayn.

 

Waxaanse ka baqayaa inuu xaalkeenu yahay SHIDANAABA   SHIDAN.

 

Lasoco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTA 3AAD oo ka hadlaysa dhaqaalaha dalka iyo bajadka ictiraaf raadinta LIBERLAND .

IMG-20181107-WA0002-259x300.jpg

Amb Ahmed Safiina

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this