Deeq A. Posted December 1, 2018 Hobyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ka sameeyay gudaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaraan ayaa waxaa la sheegay in laga sameeyay xaafado ka tirsan degmadaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Xiriiro aan la sameynay saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada maamulka Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartanaha Soomaaliya. The post Ciidamada Galmudug Oo howlgallo ka sameeyay Hobyo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites