Deeq A. Posted December 1, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku warramaya in maanta Askar ka socota dowladda federaalka Soomaaliya ay gaareen gudaha magaaladaasi. Ciidamadan oo gaaraya illaa iyo 50 Askari ayaa la sheegay in Diyaaradii siday barqanimadii maanta ay ka degtay Garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud. Askartani oo ah kuwa Boolis ah ayaa ka qeyb qaadan doona xaqiijinta ammaanka Baydhabo oo 19 ka bishan ay ka dhaceyso doorashada K/ Galbeed. Waa qeybtii labaad ee Askar ka socota DFS oo gaara halkaasi, iyadoona shalay Baydhabo ay tageen illaa 50 kale oo lagu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi. The post Askar ka socota DFS Oo maanta gaaray M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites