Deeq A. Posted December 1, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo goor dhow ka dhacay duleedka Koonfureed ee M/ Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo la socday Gaari nuuca raaxada ah, xilli ay marayeen inta u dhexeysa Jaamacadda Shabelle iyo Labaajada Weydow ee duleedka M/ Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Garasbaaley C/laahi Gaanbure oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay qaraxaasi. Waxaana uu sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, islamarkaana ay ku dhaawacmeen illaa 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Qarax.mp3 The post Qarax xoogan Oo ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites