Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan Oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo goor dhow ka dhacay duleedka Koonfureed ee M/ Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo la socday Gaari nuuca raaxada ah, xilli ay marayeen inta u dhexeysa Jaamacadda Shabelle iyo Labaajada Weydow ee duleedka M/ Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Garasbaaley C/laahi Gaanbure oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay qaraxaasi.

Waxaana uu sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, islamarkaana ay ku dhaawacmeen illaa 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Qarax.mp3

The post Qarax xoogan Oo ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this