Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne TAARIIKH ku leh Soomaaliya – George HW Bush – oo geeriyoody

Recommended Posts

Deeq A.   

Houston (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore e Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday gurigiisa ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas, isaga oo 94 jir ah.

Bush Sr ayaa ahaa madaxweynehii 41-aad ee Mareykana intii u dhaxeysa 1989-kii ilaa 1993-kii, waxaana waqtigiisa lagu xasuustaa dhammaadka Dagaalkii Qaboobaa iyo dagaalkii koowaad ee Iraq ee ka dhanka ahaa Sadaam Xuseen.

Bush waa aabaha Goerge W Bush, oo isna noqday madaxweynaha Mareykanka 2001-2009.

Inkasta oo xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaaneysay sanadahan, haddana waxa uu kasoo dhex muuqaanayey bulshada.

Bishii April ayaa la dhigay isbital kadib markii dhiigiisa uu galay infakshan, hase yeeshee waa laga soo saaray. Bush ayaa sidoo kale laga daweeyey cudurka Parkinson ee jirka qofka ka dhiga mid jareeya ama lulma.

Waxa uu geeriyooday toddoba bil kadib geeridii xaaskiisa.

Kowdii bishii Janaayo ee sanaddii 1993-kii waxa uu booqasho ku yimid Soomaaliya, 19 malamood un ka hor inta uusan xafiiska ka tegin, wuxuuna booqday Muqdisho, Baydhaba iyo Shabeellaha Hoose, oo uu kula kulmay ciidamadii Mareykanka.

Busha waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah ee taariikhda booqday Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ahaa madaxweynihii amray in ciidamada Mareykanka ay galaan Soomaaliya December 5, 1992-kii.gettyimages-590883852-1024x1024.jpg

Bush oo ku sugan Somalia, lana jooga ciidamadiisa (Photo by Larry Downing/Sygma/Sygma via Getty Images)Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this