Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo dib ugu soo laabtay dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii uu booqasho ku tagay Wadamo uu ka mid yahay Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo sidoo kale Xildhibaano kale oo katirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale Habdhowrka iyo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka mid ahaa xubnaha soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanda uga mahad celiyay soo dhoweyntooda.

The post Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this