Deeq A. Posted December 1, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii uu booqasho ku tagay Wadamo uu ka mid yahay Turkiga. Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo sidoo kale Xildhibaano kale oo katirsan Golaha Shacabka. Sidoo kale Habdhowrka iyo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka mid ahaa xubnaha soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanda uga mahad celiyay soo dhoweyntooda. The post Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites