Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Ururka ONLF Oo gaaray dalka Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Xubno ka tirsan Jabhadda ONLF ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uul uu ka mid yahay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar Cagjar.

Xubnahani oo tiradoodu gaareyso 20 ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha ONLF Maxamed Cumar, iyagoona kulamo la qaadanayo R/Wasaare Abiy Axmed.

Sidoo kale xubnahani ka tirsan ONLF ayaa lagu wadaa in booqdaan magalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli todobaadkii la soo dhaafay ay Ciidamada ONLF  ku laabteen magaalada Jigjiga, iyagoo ka soo guuray xeryahooda Eritrea.

ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa Asmara bishii la soo dhaafay ku saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac.

Heshiiskan ayaa u ogolaanaya ONLF in ay si nabad ah ku raadsato hankeeda siyaasadeed ee Ethiopia, iyadoona Ciidankeeda lagu biirinayo kuwa dalkaasi.

Dhawaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wadahadal la furay xisbiyada siyaasadeed ee Ethiopia, kuwaas oo uu kala tashanayo doorashada dalkaasi ee 2020-ka.

The post Xubno ka tirsan Ururka ONLF Oo gaaray dalka Ethiopia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this