Sign in to follow this  
Deeq A.

Amb Mursal oo si ka badelan soo dhoweeynadii hore loogu soo dhoweeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga Maalmihii la soo dhaafay.

Soo dhoweeyn ka duwan soo dhoweeynadii hore ee Muqdisho loogu sameeyn jiray gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa loogu sameeyay garoonka Muqdisho.

Inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu isku qilaafsan kala diristii guddiga maaliyadda ayaa ku soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde.

Amb Mursal oo si kooban u la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in wixii warbixino ay ku dhiibi doonaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga sugayaa in uu si faah faahsan uga hadlo kala diristii gudoomiye ku xigeenka uu dhowaan ku sameeyay guddiga maaliyada Baarlamaanka oo qilaaf badan ka dhex abuurtay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageeyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho Xasan Cowke uu ka diyaariyay.

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/War-Cowke-Gudoomiyaha-BaarlamanaaPP-Muqdisho.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Amb Mursal oo si ka badelan soo dhoweeynadii hore loogu soo dhoweeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this