Sign in to follow this  
Deeq A.

“Imaatinka Kooxda Melbourne Waxa Ay Inoo Tahay Guul Iyo Horomar Ku Aadan Ciyaaraha Jubaland”

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maagaalada Kismaayo kusoo wajahan kooxda Melbourne ee jaaliyada ciyaaraha dalka Ausralia oo sanadkii saddex wadanka u imaanysa ciyaaro saaxiibtinomo iyo is dhaxgal bulsho waana kolkii kowaad ay booqasho ku tagaan degnaanada Jubland waxayna arintan fursad u tahay bahda isboortiga iyo kooxaha ka dhisan Gobolka Jubada Hoose oo ay kasoo baxeyn ciyaartooy caan ah

47033575_2204323819824354_42102800413905

Gudoomiyahay xiriirka kubbadda cagta Jubaland Axmed Faarax Taqal (Timijilic) ayaa sheegay booqashada kooxdan ka imaanysa Austarialia ay ugu fadhiso micno weyn sanadaha soo aadan ay la yeelandoonaan wada shaqeyn buuxda si loo horomariyo ciyaaraha uu gobolka ku xoogan yahay

42044731_1952420134804739_18952677494462

Kooxda jubaland oo iminka si wanaagsan ugu diyaar garoobaysa ka qeyb galka ciyaaraha maamu-Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir ahna horyaalka maamul Goboleedyada fasal ciyareedkii hore ayay kula ciyaaridoonaan magaalada Kismaayo waana ciyaar xiiso badan oo ay sugayaan shacabka reer Kismaayo

43788827_1982277945152291_86178669676441

Ciyaartooyd matalaysa Jubaland ee loo diyaariyay in ay la ciyaarayaan dhigooda qurbaha ayaa booqashada kooxdan ku tilmaamay waji cusub oo ku aadan horomarka isboortiga deegaanadooda

43828975_1982279588485460_70319176003050

Macalimiinta farsamada xiriirka kubbadda cagta oo aan la kulanay ayaa inoo sheegay booqashooyinka  kooxaha qurbaha hadii ay sii socdaan sanadaha soo aadan ay gundhig u noqandoonaan horomarka iyo is badalka natiijooyinka xulka qaranka lagan faa’idaysandoono farsamo laaciibtiina imaanaya wadanka

IMG_6072BD-B8B658-AC9EFD-30D39C-0EFF1D-9

Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada daa’daalo ku aadan in caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka sanadaha soo aadan lagu qabto ciyaaraha Somali Week oo ay inta badan dhelaan kooxaha qurbajoogta hadii arinta hergashan dad badan ayaa aaminsan in laga faa’ididoono wax badan oo horomar u ah kobaca ciyaaraha gudaha

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this