Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka George Bush Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush ayaa geeriyooday, sida uu xaqiijiyay wiilkiisa Goerge W Bush.

Bush-0.jpg

George Bush Sr oo 94 jir ahaa ayaa soo noqday Madaxweynihii 41aad ee Mareykanka sannadihii 1989-1993, isagoo sidoo kale labo jeer Madaxweyne kuxigeen u ahaa Ronald Reagan.

Bishii April ee sanadkan ayaa la dhigay Isbitaal, todobaad kaddib markii ay geeriyootay xaaskiisa Barbara.

Intii uu talada hayay waxaa lagu xusuustaa inuu hormuud u ahaa dagaalkii Ciraaq lagu qaaday, markii ay ku duushay Kuwait, taasoo sabab u aheyd in dalka Ciraaq ka soo baxaan Kuwait.

Waxaa uu ku guuldareystay in markii labaad dib loo soo doortay, waxaa ka guuleystay sanadkii 1993 doorashadii xilligiisa labaad Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo ka socday Xisbiga Dimoqraadiga.

Hase ahaatee wiilkiisa George W Bush ayaa ka noqday Mareykanka Madaxweyne, isagoo bedelay Madaxweynihii aabihii xilka kaga guuleystay Bill Clinton oo 8 sano xilka hayay.

George Bush Sr waxaa uu siyaasadda ku soo biiray sanadkii 1964, waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu caansanaa ee Xisbiga Rebublican, isagoo 40 jir ah ayuu noqday maalqabeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this