Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Koofur Galbeed oo jawaab Adag ka bixiyey ciidamo la geeyay magaalada Baydhabo, 

Recommended Posts

Deeq A.   

(SL-T Baydhabo)Xilli shan maalmood oo keliya ay naga xigto doorashada madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay gelinkii dambe ee maanta ciidamo aan tiradooda la shaacin geysay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Hase yeshee, wasiirka amniga ee dowlad goboleedkaasi Xasan Xuseen Maxamed ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in ciidammada la geeyay magaalada Baydhabo ay iyagu dalbadeen.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay ciidammadaas ayaa sidoo kale sheegay in arrintaasi ay jirto.

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, mana ahan markii ugu horreysay ee la keeno magaalada Baydhabo ciidan boolis oo federaal ah, horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno. Waad la socotaa deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka amniga ee Koofur Galbeed.

BAYDHABO Lahaanshaha sawirkaSONNAImage captionWasiirka amniga maamul-goboleedka Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Al Shabaab ay qorsheynayaan inay weerarro ka geystaan deegannaada Koofur Galbeed, sidaasi darteedna loo baahan yahay ciidamo dheeraad ah.

“Al-Shabaab waxay doonayaan inay falal amni darro ah ka geystaan deegaannada Koofur galbeed, ciidankana waxay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxay u yimaadeen sugidda amniga, dowladda Koofur Galbeed ee Soomaaliya waxay ka mid tahay dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada na loo keenay oo ka shaqeynaya nabadgelyada”. Ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, tallaabadan ay ku dhaqaaqday dowladda federaalka ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofur Galbeed.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamad Nuur oo loo yaqaanno Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay ka soo horjeeddo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Koofur Galbeed, taas beddelkeedana ay doonayaan in musharrax gaar ah uu ku soo baxo jagada madaxweynaha maamulka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this