Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo si aan la fileyn kaga hadlay ciidamadii la geeyay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa si aan la fileyn kaga hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya shalay ay geysay magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ka tagay ciidamo badan oo tayaysan kuwaasi oo xaqiijin kara amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wuxuu sheegay in arin aan la aqbali karin inay tahay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo, maadaama horey ay u joogeen ciidamo badan oo ku filan amaanka deegaanada doorashada ay ka dhaceyso.

“Deegaanka dowlad ayaa ka jirta, Shariif Xasan markuu meesha ka tagayay wuxuu ka tagay ciidamo badan oo tayeysan kuwaasi oo amaanka xaqiijin kara, ciidamadaasi inay sugaan amniga doorashada wey ku filan yihiin”

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in dadkii ka dambeeyay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo lagula xisaabtami doono, waxii ka yimaada.

“Marka wax kaloo dheeri ah ma jirto, ciddii ka dambeysay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo iyadaa lagula xisaabtamayaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this