Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Baydhabo Oo si weyn loo adkeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baadhabo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in  si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada K/ Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa , iyaga oo xaqiijinaya amniga magaaladaasi.

Qaban qaabada doorashada maamulkaasi ayaa si habsami leh u socota, taasi oo la filayo in ay dhacdo 5 bishan December ee 2018-ka.

Dhinaca kale wasiirka amniga K/Galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay VOA-da ayaa ka warbixiyay Ciidamo gaar oo ay dowladda u dirtay maamulkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in DFS ay ka dalbadeen Askartaasi, si loo sugo amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed.

Waxaana uu uga mahadceliyay dowladda dhexe ee federaalka, sida ay uga jaawabtay codsigooda.

Hlakan hoose ka dhageyso Cidka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Jaamac-1.mp3

The post Ammaanka Baydhabo Oo si weyn loo adkeeyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this