Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:

Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay.

Hawlgalkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso.

Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen.

Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen.

The post Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay gobolka Baay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this