Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Rayid Ah Oo Ku Dhintay Duqayn Ay Mareykanku Ka Fuliyeen Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Afghanistan)-Duqyn ay Mareykanka ka fuliyeen dalka Afqanistan Talaadadii ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 23 qof oo rayid ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

104573749_e079b560-6e3c-4825-b8cc-7f22da

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in dadka ku dhintay duqayntani ay badankood yihiin caruur iyo haween.

Weerarkani oo lagu qaaday goob ku taalla gobolka Helmand ayaa dhacay xilli ay howlgal si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afqanistaan.

Baaryaasha ayaa sheegaya in caaruur gaaraya 10 iyo 8 haween ah laga yaabo in ay ku dhinteen duqayntaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa dhankooda sheegay in ay wali baarayaan dhacdadani.

Khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah ee ka dhasha duqaymaha ayaa sare u kacay tan iyo intii ay Mareykanka ku dhawaaqeen istaatijiyada cusub ee Afqanistaan sanaddii aanu soo dhaafnay.

Madaxwayne Trump ayaa ciidamo badan u huray Afqanistaan waxa uuna sare u qaaday duqaymaha lala bartilmaameedsanayo Taliban iyo kooxda IS.

Howlgalka NATO ee ay horkacayaan Mareykanka ayaa waxay sheegeen in weerarkan Talaadadii dhacay uu ahaa mid ay uga jawaabayeen weerar ciidamada gaarka ah ee Afqanistan uga yimid Taaliban degmada lagu magacaabo Garmser.

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda sheegtay in ay diiwaangaliyeen 649 khasaaro dad rayid ah kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray duqaymaha cirka sagaalkii bilood ee ugu horeysay sanadkan.

Waa tiradii ugu badnayd ee khasaaraha rayidka Afqanistan tan iyo intii la bilaabay diiwaangalinta 2009.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this