Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin kasoo baxeyso Madaafiic lagu garaacay saldhigyo Al Shabaab leeyihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo lala eegtay saldhigyo ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaano maalmihii ugu dambeeyay lagu dagaalamayay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaafiicda ugu badan ayaa lala eegtay saldhigyo dhowr ah oo ku yaala gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ilaa xalay la maqlayay dhawaqa madaafiicda lala eeganayay saldhigyada Al Shabaab.

Deegaano duleedka ka ah Jilib Marko oo Shabeelaha Hoose ka tirsan ayaa waxaa ka dhacday ku dhawaad ilaa 6 madfac xoogan oo ciidamada AMISOM ay ku ridayeen saldhigyada Al Shabaab.

Qalqal weyn ayaa soo wajahay dadka degen deegaanada maalmihii ugu dambeeyay lagu dagaalamayay oo xalay madaafiic badan loogu daray, waxaana ay bilaabeen inay ka hayaamaan deegaanadooda.

AMISOM ayaa guulo ka sheegatay Duqeynta ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen inay ku dileen Al Shabaab badan oo qorsheynayay weeraro ka dhan ah ciidamada isbaheysanaya.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda xalay lagu garaacayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, laakiin AMISOM waxay sheegeen inay u dileen 10 kamid ah Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this