Sign in to follow this  
Deeq A.

SOOMALIYA: Raysal Wasaare Khayre Oo Amaro Dul-dhigay Golihiisa Wasiirada.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho) Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Soomaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa amaro ku soo rogay dhammaan Golihiisa Wasiirada, isagoo faray in ka hor dhamaadka bisha December ay dhameystiraan howlaha uga harsan qorsho howleedka sanadkan sii dhamaanaya ee 2018.

8717759B-E71F-44CD-8377-1146DF8B3E11.jpe

Kulankii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka sanadkan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Wasiir walba soo dhameystiro howshiisa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhameystirka qorshe howleedka sanadkan ay fududaaneyso in si fudud looga gudbo qorshayaasha qaran ee sanadkan 2019

Amarada la faray Wasiirada ayaa ka mid ah in aanay dalka ka bixi karin, haddii aysan la soo gudbaan xaalado kale oo gaar ah

Ugu dambeyn kulanka ayaa lagu soo bandhigay hal-beegyada tubaha Wasaaradaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guuleysto sanadkan dhamaadka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this