Deeq A. Posted November 30, 2018 Waa Madal kulmisay dhalinyar mud iyo labeen ka ahaa masrixiyadahii doorashadii u danbaysay ee lagu doortay madaxwayne Muuse Bixi Cabdi. Rag badan oo goobta ka soo xaadiray wakhtigii ololaha indhaha ismay siin karayn, wallow ay dhacdana waaba la is gacan saarayey. Laba garab oo kala fog oo labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ayey kala ahaayeen . Way kala irdhoobeen wallow ay dan, deegaan, mag iyo tolnimo wadaag ahaayeen. Waxase I yaab galiyey tolow maxaa mideeyey maanta oo isku keenay? Huteel Mansoor ayaa waxa ka qabsoomay kulan siyaasadeed kulmisay dhalinyarta aanu haybta hoose wadaagno kana mid ah kuwa ku nool degmooyinka 26ka Juun iyo Ibraahim Koodbuur ee Magalada Hargaisa. Haybtaasi ma ku sheegaa akhriste? Ma xuma ee igu sin.Dhalinyartan ayaa waxa isku keenay dareenka ah sidii dhalinyarta Somaliland kaalin ugu yeelan lahayd xulista musharixiinta gole deegaanada una garabsiin lahaayeen waayeelka ku kaliyeystay kala doorista cidii ku matali lahayd siyaasada bulshooyinka kala duwan. Arintan oo xal u noqon karta in la horimarin karo habka xulista musharaxiinta si loo helo qof leh kartida uu ku matali karo masiirka bulshadiisa. Dhalinta dhuungalaysa siyaasada waxa horyaal dhamaantood siday laba isdiido isku ogalaysiiyaan. Waa isleeg iyo masalo siyaasadeed oo aan wali la miisaamin. Masaladan adiguba isku day oo sideed hadafkaaga siyaasiga iyo danta tolkaa isku xisbi uga dhigi kartaa… Horteen jiraba hore u waa? Kulan siyaasadeedkan ayaa muunad u ah sidii ay dhalinta Somaliland ugu diyaar yihiin in la gaadhay wakhtigii siyasada hayb matalka looga digo rogan lahaa Xisbi iyo deegaan doorasho xad sugan leh. Dhacdadan ku cusub saaxada siyaasada ayaa hoge-tusaale inoogu filan in dhalinyarta wadanku fahamto in dilmuqraadiyadu tahay in aan sidii Lo’da wado raad qudha la isku daba istaagin loona diyaar garoobo ka midho dhalintii hankii uu Macalin Gaariye (IHUN) maansada ku tibaaxay ee uu yidhi (wuxuunbaa ehel ii ah, dad ninkaan af-aqaan ee na midayso ujeedo). Raga Goobta ka soo xaadiray ayaa waxa ka mid ahaa rag kala irdhoobay wakhtigii ololaha. Waa Xamse Khayre, Gudoomiyihii ololihii Rajada shacabka ee Xisbigi WADDANI, Waa Agaasime Wali , Xisbiyahan Axmed Ciisood, Mutacalin Mustafe Cabdi iyo Rag kale oo badan oo dhamaan reer Hargaisa ah lana abtirsiin-wadaag hoose la ah beeralaydii Maddar ilaa bandarkii Gabiley lana Guri wadaag ah dadka Caasimada ku nool. Waxa marti galinta fidiyey Maxamed Sheekh Cabdiraxman oo rabay bal in uu matacalinka ay haybta haybta iyo Hargaysa wadaagaan sidii hankiisa musharax ee golaha caasimada u ogaan lahaayeen iyo in laga wada tashado sidii la isku ogolaysiin lahaa Xisbiga uu iska soo sharaxi doono iyo danta tolka hadii codka sanadkana tolnimo lagu bixinayo sida caadadeena ah walibana loo guuso isaga. Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Gudoomiyihii ololaha Xisbiga Waddani, oo madasha shamaceeda ifayey ahaa kuna soo shaac baxay sidii uu ugu dhiiraday ka mid noqoshada xisbi uu calanside u yahay musharax ay kala Hayb yihiin halka Mr. Wali ahaa Kulmiyahan xadhkaha u xidhay taabo galintii aragtidii Horaa loo soconayaa… kulanka ayaa dhaliyey dood la islana qaatay in iyadoo hayb wadaag la yahay hadana la kala xisbi ama isku xisbi la noqon karo. Waxa gun iyo baar la isla qaatay in maadama iyagu kasoo jeedaan bulsho iyo dad loo majeeranayo aqoon iyo tijaarad, kana mid ah dadka uu ilaahay ku beeray Caasimada Hargaisa, bal soo xulista musharax deegaanka marka hore saamayn lagu yeesho waliba ay talaabada hore qaadaan oo dhalinyartana tusaale ugu noqdaan in kaalintooda ka qaataan soo xulista musharixiinta haday xaga xisbiga iyo hogaamiyaasha dhaqanka beeshooda tahayba oo wakhtigan loo aaminay in ay tahay shaqo waayeel iyo xisbiyada siyaasiga oo ka dhaxaysa. Guntii iyo Gebo-gabadii waxay ila tahay in la gaadhay wakhtigii dhalinyarta mutacalinka ee garaadka siyaasadeed ku fikiraysa ee degmooyinka 26 Jun iyo Ibraahim Koodbuur, in loo baahan yahay in kulano ka balaadhan kan maalinta dhawayd ka dhacay Maansoor in la isku yimaado si loo weeleeyo codkeena caasimada Hargaisa. Miyaanay ahayn in wado ku dayasho mudana loo jeexo degmooyinka kale ee dhalinta reer Hargaysa.. Dad iyo duunyo ma guurto dhaxays ahiba way ku dhaqan yihiin Hargaisa, waana xuduntii kulmisay Somaliland oo dhan ee waxa iga waydiin ah dhalinta reer Hargaisa ma dumin karaan siyaasada hayb-matalka ah ee aynu ka dhaxalnay lododkii siyaasiinta ahaa ee inaga horeeyey. Waanu idin ilaynaynaa dhalinta reer Hargaysaw ee horseed u noqda dhalinyarta dalka guud. Muxyadiin Yussuf Awrabaax galbeedi1988@gmail.com Source Share this post Link to post Share on other sites