Sign in to follow this  
Deeq A.

Camey oo raalli-gelin ka bixiyay hadal uu ku taageeray Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii Khamiislaha ee Golaha wasiirada Puntland ayaa qabsoomay jimcihii maanta kadib markii uu shalay u baaqday safarkii madaxweyne Gaas iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ay ugu maqnaayeen degaanno kamid ah gobolada Karkaar iyo Hayland.

War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faahfaahiyay qodobadii looga hadlay shirka,waxaana lagu sheegay in safarkii madaxweynuhu ku tegay gobolada Karkaar iyo Hayland uu ka soo daah-furay mashaariic horumarineed,islamarkaana uu ka soo dhagax-dhigay mashaariic cusub.

Mashaariicda madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah Isbitaalka weyn ee degmada Qardho iyo xarunta Turobataariyada ee isla degmadaas, sidoo kale waxaa madaxweynuhu degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland ka dhagax dhigay wadda laami ah oo isku’ xidhi doonta Xiingalool&Sheerbi iyo xarun loo dhisayo barakacayaasha oo ka kooban 100 guri.

Dhinaca kale war-murtiyeedka oo looga hadlay khilaafka Federaalka ayaa lagu sheegay in Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka dhexayso qaanuun iyo awood-qeybsi sharci ah,haddii taasi la waayana aan la wada-shaqeyn karin,waxaana war-murtiyeedka ku xusan in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu raalli-gelin ka baxshay hadal uu maalmo ka hor ku taageeray xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Puntland waxay soo dhowaysay dhex-dhexaadinta uu wado guddiga Aqalka sare u xil-saaray xallinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada,kaasoo Puntland ku tilmaantay tallaabo wanaagsan,balse ay sheegtay in aan weli la dhammayn qodobadii laga cabanayey.

FB_IMG_1543604439291.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Camey oo raalli-gelin ka bixiyay hadal uu ku taageeray Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this