Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Guddiga Doorashooyinka Oo Soo Bandhigay Caqabada Haysta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland: Guddiga Doorashooyinka Oo Soo Bandhigay Caqabada Haysta.

Guddiga Doorashooyinka Ee Somaliland (NEC) ayaa so bandhigay waraaq dheer oo ay ku qorantahay caqabada ka hor istaagtay qabitaanka doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deggeenada.

Waraaqaadan dheer waxaa ku tixan kulano fara badan oo NEC la yeelatay, Madaxweynaha, Golayaasha iyo Xisbiyadda.

Hadaba su’aash meesha taale waxa weeye, haddii la qabtay doorashadii madaxweynaha 2017, maxaa loo isticmaali waayey xafiisyadii iyo diiwaangelintii xilligaa la isticmaalay?

Dadka la diiwangeligey waa dadkii uun, laga yaabaa in ay waxoogaa ku soo kordhaan.

Maxaa is badeley? Haddii la hayo, oo aan la tuurin waraaqihii iyo tirakoobkii dadkii la diiwangeliyey, maxaa keenay in diiwangelin cusub la sameeyo? Ma xisaabtaa markii hore khaldaneyd?

Mida kale, haddii xisbiga Waddani joojiyey wada shaqayntiin NEC, dee, markaa NEC kalsoonidii loo hayey baa luntay. Ha is casilaan.

Hebel baan la shirnay, iyo halkan baan marnay, socon mayso. Waxaa loo baahnaa in ay berri hore isu diyaariyaan doorashada, oo hawsha si taxan u wadaan.

Xafiis baan shaakh ku cabiyay, hebelna waan la sheekaystay umadda Somaliland mari mayso.

Waxaad moodaa in ay NEC weligood waxba ka baraneyn doorashooyinka soo mara, iyo sidii hawsha loo horumarin lahaa.

Waa hadii aan lacag lagu shubin, socon mayso meeshu.

Tobon billood oo dambe NEC maanta fadhida Somaliland waxba kam sugeyso, iyaga iyo Golaha Wakiiladaba.

Allow sahal amuuraha.

Allaa Mahad Leh

Ahmed Kheyre

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this