Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Safar Dheer Kadib London Soo Gaadhay Iyo Ujeedada Socdaalkiisa Oo Laga Waramay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Magaalada London soo gaadhay Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Mudane Eng Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici oo daal ka muuqdo kadib markii uu safar dheer Hargeysa kaga baxay Jabuuti-Paris-Brussels-London ugu dambayntii soo gaadhay maanta mar ay saacada London ahayd 08:20.

Eng Saylici oo diyaarada Ethiopia Ailines diiday inuu Hargeysa kasoo raaco si safarkiisu ugu fududaado Cariga Ingiriiska ayaa maanta ku nasaya Hilton Hotel Hill magaalada London maalinta Beri ahna Magaalada London kaga qaybgalaya shir loo bixiyay shirka Jaaliyada Somaliland,oo xisbiga Kulmiye kusoo bandhigayo guulihii uu Somaliland ka gaadhay mudadii uu maamulayay iyo sanadka waxa u qabsoomay Xukuumada Cusub ee Madaxwayne Muuse Biixi.

Qayb Ka Mida Jaaliyada Somaliland oo shirkani ka hadashay ayaa durbaba muujiyay sida shirkani uu khaas ugu yahay taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo u badan beelaha isbaahaystay ee Jeegaanta.

Qaar ka mida jaaliyada Somaliland oo Boramanews la hadlay ayaa durbaba socdaalka Saylici ku sheegay mid dalxiis ah oo aan waxba ku kordhin karin jaaliyada ku kala tagay doorashadii Madaxtinimada ee qabiilada Somaliland kala qaybisay,waxayna sheegeen in Eng Saylici awoodiisa oo kooban uu go,aan iyo talo midna keeni karin balse taladu ka go,do madaxda sare ee Jeegaanta ama madaxwaynaha Somaliland ee Muuse Biixi.

Mid ka mida jaaliyada ayaa carabka ku adkeeyay Saylici shirka London wax uu kusoo kordhin karo inaysan jirin laakiin laga dhagaysan doono kaliya inuu shacabka u duceeyo.

Eng Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici oo ah masuulka ugu sareeya ee Galbeedka ku matalaya xukuumada Somaliland ayaa la ogayn inuu si gaara ula kulmi doono jaaliyada Galbeedka.

Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici ayaa la filayaa in hal asbuuc joogo cariga ingiriiska markhaatina ka noqdo halka ay ku dambaysay midnimadii iyo laxejecladii jaaliyadu ka qabeen dhulkooga hooyo oo dhaawac halisa gaadhsiiyeen isbaahaysi isku koobay awooda Somaliland.

Cabdoo Xaaji

Boramanews/London

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this