Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada oo balanqaad usameeyay Haweenka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim [Xaliimo Yarey] ayaa balanqaaday in si cadaalad ah loo qaban doono doorashada hogaanka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Xaliimo Yarey oo hadalkaan ka jeedisay munaasabad ay isugu yimideen in ka badan 500 Haween ah oo qaarkood ka kala yimid Shanta maamul goboleed ee dalka iyo degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shaacisay inay ka walaacsan tahay in kala qayb-sanaan horleh ay haatan soo kala dhex-gasho haweenka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa tilmaamtay in aanan loo baahneen tafaraaruq ku yimaada Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna carabka ku dhufatay taasi bedalkeeda in haweenka looga baahan yahay inay muujiyo kaalinta ay ka qaadan karaan horumarka iyo nabada dalka.

Hadalka Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim [Xaliimo Yarey] ayaa kusoo aadaya xili dhowaan xubno la sheegay in ka go’een Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ay magaalada Muqdisho ku doorteen gudoomiye cusub, islamarkaana hogaanka Ururkaasi uu ku tilmaamay doorashada la qabtay waxbo kama jiraan.

The post Guddiga doorashada oo balanqaad usameeyay Haweenka Qaranka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this