Deeq A. Posted November 30, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maalmihii dambe howlgallo qorsheysan ka waday degaanno ka mid ah Shabeellada hoose ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen waddada isku xirta Dhanaane iyo Jilib-Marko. Howlgalladan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Gendershe iyo Jilib-marko ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in ay ciidamadu ku dileen 18 ka tirsanaa Al-Shabaab iyo saraakiil. Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Axmed Aadan oo la hadlay warbaahinta afka dowlada ku hadasha ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ee ciidamada xoogga dalka halkaasi ka fuliyeen ay kusoo saareen Miinoyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddada hareeraheeda, si ay Shacabka iyo Gaadiidkoodaba ugu dhibaateeyaan, sida sarkaalkaasi uu sheegay. Jeneraal, Axmed ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab looga guuleestay howlgallada ka socda Dhulka Xeebta ah, isla markaana ay Ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen kol hore Dhawaan degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose waxaa booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) isagoo Ciidamada halkaasi ku sugan ku dhiirri geliyay inay sii Laba laabaan dedaalkooda ku aaddan sidii ay Dalka ugu xoreyn lahaayeen xarakada Al-Shabaab. The post Howlgal Miino baaris ah oo laga sameeyay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites