Deeq A. Posted November 30, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Al-Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku ekeysay saldhig ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Weerarka waxaa ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhex-maray ciidamada dowlada ee Saldhiga ku sugnaa iyo xoogaga Al-Shabaab. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay, inksta oo aanan la ogayn tirade saxda ah ee labada dhinac ka wax noqotay. Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay dagaal ku qabsadeen degaanka, islamarkaana ay si buuxda umaamulayaan. Ma jiro war rasmi ah ah oo ay dagaaladaan kasoo saareen Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka. Deegaanka Goofgaduud ayaa muhiim u ah sugida amniga magaalada Baydhabo oo dhowaan ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed. Dhowr jeer oo hore deegaanka ayaa waxaa ka dhacay dagaalo u muuqday in deegaanka gacan ku heentiisa ay ku loolamayaan Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo halkaasi saldhigyo ku leh. The post Saldhig ay ciidanka DFS ku leeyihiin G/Bay oo la weeraray appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites