Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo sheegtay inay ka hortageyso weerarada ka dhaca Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay meel wanaagsan umareyso weeraradda ka dhaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Hadalkan ayaa Dowladu waxaa ay ka jeedisay kulan looga hadlayay doorka ay haweenku ku yeelan karaan ilaalinta Nabada iyo ka hortaga dhacdooyinka ku saleysan waxa loogu yeero xagjirnimada.

Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aadan Dhuuboow ayaa hoosta ka xariiqay in waasaradiisu ay wado qorshe  dhalinyarada looga wacyigalinayo in aysan ka qayb qaadan Falalka lidiga ku ah amniga.

Dhuuboow oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arintaasi ay dowladdu u xilsaartay culumo’udiin dalka dibadiisa laga keenay.

Sheekh Aweys Maxamed Cumar oo kamid ah mashaa’iqda shaqadan wacyi galinta loo xilsaaray, kaasi idaacadda Shabelle uga waramay qaabka ay culimadda iyo dowlada isku kaashan karaa ayaan rajo wayn muujiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore waxay balan-qaadey inay ka go’an tahay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa xasilooni, iyo inay ciribtireyso wax kasta oo carqalad ku noqon kara arrintaasi.

The post XFS oo sheegtay inay ka hortageyso weerarada ka dhaca Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this