Deeq A. Posted November 30, 2018 Baydhabo (Sh.M.Network) – Diyaarad siday ku dhowaad 50 ciidan oo labisan dareeska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay ay ka dejisay garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed. Ciidamada ayaa loogu talagalay inay sugayaan nabad-gelyadda caasimad goboleedka Baay, halkaasi oo lagu wado in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto doorashada madaxwaynaha maamulkaan. Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee gobolka Bay ayaa ciidamada soo dhaweeyay, xili uu dejiyay xero loo sii diyaariyay. Doorashada Koonfur Galbeed oo ay ku loolamayaan murashaxiin dhowr ah ayaa la filayaa inay dhacdo 5-ta bisha dambe ee December 2018. The post Ciidamo ka socda dowlada dhexe oo gaarey Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites