Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari ka tirsan Booliiska Puntland ayaa ku dhintay, 4 Kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Weerar ay  xalay kooxo hubaysan ku qaadeen isgoyska Gaaca ee magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararku waxay sheegayaan in kooxda hubaysan  ay gaadmo ku dileen hal askari, mid kalena ay dhaawac u gaystay, kadibna waxaa xigtay Bambo gacmeed ay tuureen  iyo rasaas xoog leh oo socotay qadar daqiiqado ah.

Sidoo kale laba qof oo shacab ah ayaa  ku dhaawacmay Qarax ka dhashay Bambo gacmeedka iyo rasaasta ay iswaydaarsadeen Ciidamada amniga iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Laamaha amniga Puntland weli kama aysan hadlin dhacdada,hase yeeshee malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this