Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya oo Shaaciyay qorshe ay damacsan yihiin bilaha soo socdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Danjiraha Imaaraatka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cismaan Al Hammadi ayaa kulanka uu la yeeshay wakiilka QM ee Soomaaliya ku yeeshay inuu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka Imaaraatka iyo Xafiiska Siyaasadda QM ee Soomaaliya.

Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada Imaaraatka Carabta ee kor u qaadidda Xasiloonida, amaanka iyo horumarinta Soomaaliya ay sara u qaadi doonaan bilaha soo socdo, taasina ay tahay qorshe ay damacsan yihiin.

Imaaraatka iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda uu mugdi galay waxii ka dambeeyay markii lacag ka timid Dubai lagu qabtay Aadan Cadde, iyadoo kahorna go’aan laga gaaray Shirkadda DP world oo heshiisyo la gashay Puntland iyo Somaliland.

Qaramada Midoobay ayaa Imaaraatka ku amaantay taageeradii ay siiyeen dowladda Soomaaliya, waxaana wakiilka QM ee Soomaaliya ka dalbaday caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Imaaraatka ayaa marar badan lagu eedeeyay inuu ku xad gudbay madax banaanida dalka Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dacwado badan ka geystay golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this