Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Goofgaduud iyo Gurmad ka baxay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Goofgaduud (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo waaberigii saaka ka dhacay deegaanka Goofgaduud ee duleedka magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ciidamada Al Shabaab ay kala wareegeen deegaanka saldhig ay ku lahaayeen, halkaasina uu ka dhacay dagaal xoogan oo khasaaro geystay.

Taliyaha ciidamada dowladda ee deegaanka Goofgaduud ayaa xaqiijiyay inay isaga baxeen deegaanka kadib markii dagaal xoogan ay kala kulmeen ciidamada Al Shabaab, isaga oo sheegay in khasaaro uu ka dhashay weerarka.

Ma uusan sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha weerarkii saaka, balse wuxuu sheegay xili hore oo waaberigii saaka ah in weerar qaraxyo ku bilowday Al Shabaab ay xerada ku galeen.

Taliyaha wuxuu sheegay in gurmad ka yimid magaalada Baydhabo ay sugayaan kaasi oo ku wajahan deegaanka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ee la wareegay deegaanka ay dib isaga baxeen.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, marar badan sidan oo kale ayey uga baxeen deegaanka Goofgaduud, waxaana deegaankaasi la wareegay dagaalyahannada Al-shabaab walow iyaguna ay dib u faarujiyaan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen xerada ay la wareegeen, maadaama ay wateen gaadiidka dagaalka oo badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this