Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay 18 Al Shabaab ah iyo Qaraxyo +Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyay howlgalo adag ka waday gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Al Shabaab iyo miinooyin ay aaseen.

Ciidamada ayaa baaritaanka ka sameeyay deegaanka Gendershe, Dhanaane iyo Jilib Marko oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidamada ay doonayaan inay xaqiijiyaan amaanka waddooyinka ay howlgalka ka wadeen.

Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidamada xooga dalka Axmed Aadan, ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay ku guuleysteen qabashada 18 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab iyo inay miinooyin badan ka saaraan waddooyinka ay ku aaseen.

Howlgalka ka socdo dhanka Xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose ayuu sheegay inay ku guuleysteen ciidamada amaanka inay Al Shabaab ka saaraan deegaano badan oo gobolka ka tirsan.

Dhawaan deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose waxaa booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe), isaga oo halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

1-148.jpg 2-150.jpg 3-133.jpg 4-103.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this